blog image

Ilaahey Mahadiis Waxaa meel gebo gebo ah noo maraya

Ilaahey Mahadiis Waxaa meel gebo gebo ah noo maraya dhameystirka dhismaha terminalka garoonka diyaaradaha degmada Xudur ee Gobolka Bakool oo muddo noosoo socdey.
Howlwadeenada Wasaaradda gaadiidka DGKGS iyo Wasiirkeeda Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) waxaa ka go’an hirgelinta dhismaha terminalkan iyo dib udhiska guud ahaan garoonka. Waxaa maanta markale Wasaaradda ilaaheey ku guuleeyey in xudur ay ka dejiso diyaarad sida agabka dhismaha oo lagu dhameystirayo terminalka garoonka diyaaradaha degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Wasaaradda Gaadiidka waxa ay wadaa dadaalo lagu hormarinayo garoomada diyaaradeed ee ku yaal DGKGS, taas oo qeyb ka ah balanqaadyadii Madaxweyne Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ee hormarinta kaabayasha dhaqaalaha iyo kuwa adeega bulshada.
Social Share

Leave a comment