Wasaaradda Gaadiidka Koonfur Galbeed waxa ay uga mahad celineysaa Hay’adda duulista Rayidka DFS, oo maanta baydhabo soo gaarsiisey qalabka ATC oo loogu talo galay adeegyada garoonka sida hagista diyaaradaha ka duulaya Garoonka iyo kuwa kasoo degaya iyo qalab kale.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo xubno katirsan golaha Wasiirada DGKGS ayaa goob joog ka ahaa munaasabada guddoomida alaabtaan muhiimka u ah habsami usocodka howlaha shaqo ee garoonka.
Wasaaaradda gaadiidka Koonfur Galbeed oo uu horkacayo Wasiir Hassan Xuseen Maxamed iyo dhamaan qeybaha kale ee shaqaalaha Wasaaradda waxaa marwalba ka go’an oo ay utaagan yihiin hormarinta, dib udhiska, iyo hagaajinta adeegyada garoomada diyaaradaha DGKGS.

Leave a comment